Gobalka Hiiraan oo wajanahaya xaaldo Biyo la’aan ah

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay xaalad Biyo yari oo xoogleh iney ka taagan tahay degmooyin iyo degaanno katirsan Gobalka Hiiraan, waxa uuna dalbaday in si deg deg ah loogu soo gurmada dadka iyo duunyada dhibaata Biyo yarida ah wajahaya.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Wabiga uu biyo yareeyay islamarkan ay ka cabsi qabaan biyo la’aan baahsan oo ku dhufata gobalka Hiiraan.

Guddoomiye Arwaaq ayaa sheegay in Gobalka Hiiraan oo dhan  ay ku yaryihiin ceelasha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in biyaha Wabiga iyo Ceelasha kalaba ay noqdayn dhanaan aan Afka la saari karin waxa uuna sheegay in ay xaalad halis ah ku jiraan Shacabka Gobalka Hiiraan.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.