Tahriibayaal Soomaaliyeed oo lagu xiray Dalka Slovenia

Booliska Dalka Slovenia ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo Soomaali ah kuwaas oo ka mid ahaa Tahriibayaal gacanta lagu dhigay.

Howlgalka ay Ciidanka Dalka Slovenia ka sameeyeen Magaalooyinka The Koper iyo Novo Mesto ee Koofurta Dalkaas ayaa waxaa ay ku xir xireen 51 qof oo Ajaanib ah.

Dadka la qabtay ayaa u kala dhashay Dalalka Croatia, Kosovo,Pakistan, Algeria, Somaliya, Afghanistan iyo Ciraaq.

Saraakiisha Booliska Slovenia ayaa sheegay in Qaxootigan la qabtay iyaga oo ka gudbaya Wabiga Krka ee Koofurta Dalka Slovenia.

Boolisku waxaa ay sheegeen in dadka ka soo kala jeeda Waddamada kala duwan ay sharci darro ku galeen sohdinta dalkooda, maxkamadaha dalkaasna lagu wareejinayo.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.