Wafdi ka socda DF oo ku wajahan magaalada Dhuusomareeb

Magalada Dhuusamareeb e Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa la filayaa in Maanta oo Talaado ah inay tagaan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ula kulmaan Madaxda Maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxaana ka mid noqon doona Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,waxaana markii ay tagaan Dhuusamareeb la kulmi doonaan Madaxda Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tagaya Dhuusamareeb.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ujeedkiisa Dhuusamareeb waxa uu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo khilaaf xilligaan uu ka dhaxeeyo.

Wafdiga ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweyne Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadli doona xalinta mad madowga ka dhex jira dowladda iyo Maamulka Galmudug.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyada oo ammaanka Maanta siweyn loo adkeeyey.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.