Sheekh Yuusuf Caynte oo ku dhaawacmay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa isasoo taraya khasaaraha  dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarax gari loo adeegsay oo ka dhacay maqaayad u dhow Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Warar haatan soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *