Todobaad gudahiis ciidamada dowladda oo Markii Saddexaad xiray Wadooyinka

Ciidamada Miltariga ee dowladda SOomaaliya ayaa saaka mar kale xiray Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Dagaalka ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu arkayaa isgoysyada Banaadir, Soobe, KM4 Taleex iyo meelo kale.

Ciidamada Milatariga ee saaka la soo dhoobay Magaalada Muqdisho ayaa u diidaya Gawaarida kala duwan in ay maraan Waddooyinka soo gala Waddada Maka Al-Mukarrama.

Dadka Magaalada ayaa intooda badan maanta lugeynaya,waxaana jira warra kala duwan oo la xiriira xirnaanshaha Waddooyinka qaar ee Muqdisho.

Waxaa jira farriin dhinaca amaanka ah oo ka soo baxday Qaramada Midoobey qeybteeda Muqdisho taas oo shaqaalaheeda uga digtay in qaraxyo ay ka dhici karaan Muqdisho loona baahanyahay in ay dhaq dhaqaaqooda xakameeyaan.

Ciidamada Milatariga ayaa talaadadii xiray Waddooyinka ugu Muhiimsan Muqdisho iyaga oo u xiray maadxweynaha oo booqanayay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xerada Ciidanka ee Jeneraal Gordan.

Arbacdii ayey mar kale Ciidamada xireen waddooyinka waxaana ay sababtu ahayd Madaxweynaha oo furayay kalfdhiga 5aad ee Golaha shacabka Soomaaliya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.