Dowladda Soomaaliya oo mowqif  adag ka qaadatay in ay xiriir la yeelato Yahuuda

 Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya wax xiriir ah la yeelan doonin Yahuuda sidoo kalena qof Yahuuda taageersan uusan u shaqeyn Karin Dowladda Federalka Soomaaliya.

Cabdinuur Maxamed oo soo xiganaya qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Agaasimaha xafiiskii Wasaaraddda Arrimaa Dibadda ee uu ku taageerayay in xiriir lala yeesho Yahuuda kaa oo xilka laga qaaday maanta ayaa waxa uu Cabdinuur xusay in Yahuudu ay yihiin cadow Gumeysi ku haya muslimiinta reer Falastiin waxaana uu sheegay iney xoog ku heestaan masjidka Barakeysan ee Qudus.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xilka laga qaaday Agaasimahii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdullahi Dhool kaa oo sheegay in Soomaaliya ay xiriir la yeelan karto Yahuuda.

 

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.