Askari katirsan ciidanka dowladda oo darawal Mooto Bajaajle ah ku dilay Muqdisho

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaan  in degmada Waabari ee Gobolka Banaadir lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana Askari ka tirsan Ciidanka dowlada uu u geystay Wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto Bajaajta.

Sidoo kale waxaa la sheegay askariga iyo Darawalka uu soo kala dhexgalay falkan inta uusan dhicin kahor muran,hayeeshee markii dambe uu rasaas uga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa uuna goobta ku geeriyooday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa Meydka ka qaaday dad shacab ah  oo goobta xiligaas ka Agdhawaa,waxaana Ciidamada amniga gacanta ay dhigeen askarigii ka dambeeyay falkaas.

Askarta ka tirsan Ciidan dowladda ayaa inta badan Magaalada Muqdisho ku dila Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta,mana jiro cid ka hadashay dilalkaas iskaba daa in loo max kamadeeyee.

 

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.