Madaxtooyada oo si maldahan kaga hadashay joojinta Aamin Ambulance

Iyadoo si weyn loo hadal hayay shaqo joojin lagu sameeyay Hey’adda Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa waxaa si layaab ah oo marin habaabin uga hadlay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasime Cabdinuur ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in aanay jirin warqad ka timid Booliska oo shaqada looga joojiyay Maamulka Aamin Ambulance, inkastoo markii hore Hey’adda Aamin Ambulance ay sheegtay in qaab oraah ahaan loogu wargeliyay inay shaqada joojiyaan, kaddib markii ay u yeereen Maamulka degmada Hodan iyo Taliska Booliska degmada, iyagoo fulinaya amar ka yimid Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxaana markii ay dalbadeen warqada amarka loo diiday.

“Ma jirto warqad ka timid Booliiska oo Aamin Ambulance shaqada looga joojiyay sida ay ii xaqiijiyeen Maamulka Aamin Ambulance, Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Booliiska waxay doonayaan in si dhaw loo wada shaqeeyo, isu socodka magaaladana loo fududeeyo Aamin si hawlaha samafalka ay wadaan loogu gacan siiyo”ayuu yiri Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa sheegay in dalal badan ay ka dhacday in gaadiidka gurmadka degdega loo adeegsaday qarax ismiidaamin, si taas looga gaashaanto ay Booliska la socdaan dhaq dhaqaaqa gaadiidka gurmadka degdega ayna u fududeeyaan baraha koontaroolada ku yaalla magaalada.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in Xafiiskii ugu sareeya dalka iyo Howl wadeenada Madaxweynaha ay faraha kula jiraan dhacdooyinka yaryar ah ee magaalada Muqdisho ka taagan, waxaana todobaadyo ka hor ay aheyd markii Madaxa Prtocol-ka Madaxweynaha uu kormeero ku sameeyay Saldhigyada Booliska, maadaama howl amni qaabilsaneyn, hadana waxaa arrintan lagu tilmaamay mid Madaxtooyada ay meel walba faraha kula jirto, haddii ay tahay Amni iyo arrimo hoose oo quseeya maamulo heer degmo ah.

 

 

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.