Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Soomaaliya xili Ra’isul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay Washington

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in weerar kale oo dhinaca cirka ay ka fulisay Gobolka Jubada dhexe,halkaas oo ay sheegeen in ay ku dileen hal qof oo ka mid ahaa AL-shabab.

Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid ay hoggaamineysay Dowladda Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeynta noocan ah oo ay sheegeen in lagu dhimayo qatarta Al-shabaab ay ku hayaan Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ah ee jooga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa duqeyn ka wada Soomaaliya taas oo uu kula dagaallamayo Al-shabaab,waxaana dhawaan uu qirtay in duqeyn sanadkii hore ka dhacday Ceel Buur ay ku dhinteen labo qof oo dad rayid ah.

Waxaa xusid mudan in Ra’isul Wasaare uu ku sugan yahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka halkaa oo wadahadallo uu kula yeelanayo madaxda dalkaasi.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia   

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.