Ciidamada dowladda oo maanta Muqdisho ku dilay ku dhawaad 10 qof oo shacab ah

Ku dhawaad 10 ruux ayaa maanta ku geeriyooday Isku dhacyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro.

Saddex ruux ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacabka.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.

 

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.