Ciidmada dowladda oo xarig iyo jirdil isugu daray Sawir qaade u shaqeeya Somali Cable TV

Ciidamo ka tirsan Maamulka Degmada Howlwadaag ayaa jir dil iyo xarig u geystay shaqaale ka tirsan Somali Cable.

Ciidamada Boliiska Degmada Howlwadaag ayaa jir dil xoogan u geystay sawir qaade Ismaaciil Muuse Allright.

Sidoo kale Ciidamada ayaa wariyaha iyo sawirqaadaha ku xiray xarunta boliiska degmadaasi, wallow markii dambe oo Wariyaha helay fursad uu kaga baxsan karo ciidanka sidaasna uu dib ugu helay Xuriyadiisa.

Sawirqaade Ismaaciil Allright ayaa wali u xiran ciidamada dowladda  oo saaka u shaqo tagay dibad bax aad u weyn oo ay dhigayeen darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajta oo saaka ciidamada boliiska ee jooga isgoyska howlwadaag ay dil u geysteen darawal mooto bajaale iyo qof la socday.

Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay caburin ku hayay Wariyeyasha magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in Todobadkii hore laga mamnuucay iney tagaan goobaha Qaraxyada ka dhacaan.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.