Dowladdii loo Banaabaxay waa laga mudaharaaday!

Shacabka habba u badnaadeen dhaliyarada ku dhaqan magaalada nasiibka u yelatay dhibaatada ahna goob ay adagtahay in nafle bani’aadam ah ku nolaado waa Muqdisho e’ baa saakay iyo barqadii maanta ku muujiyay dibad bax taas oo aan ku soo xasuustay oraahdii aheyd

“Wixii uurka kaa gubay afka lagama dhowre

Ruuxii ibtila qabana Lama aamusiiyee”.

Tabanaanta maamulka imminka ka arrimiya magaalada muqdisho muddo xilleedkoodii 2da gu’ahey haddaan wax yar ka sheego;

-Askari aan shacab u turin sidoo kale aan awoodina in uu difaaco kaaga darane ee isaga dila ama ka xaniba in ay helaan adeega asaasiga u ah naflaha bani’aadamka.

-Siyaasi aan maangal aheyn fahankana caad ka saaranyahay sidoo kala aanan ogeyn in ciidanka uu isaga maamulo uu ku masruufo canshuurta uu ka qaado shacabka ay bareer u dilaan.

-Dusha u saarid fashilka arrimaha amniga duul kale oo banaanka ka ah saaxada maamulka (propaganda).

– Kurikuteenta iyo hoos aaminid taas oo duubya weynta maamulka isugu sheekeeyaan markii ugu horeysay uu maamul Soomaaliya ka arramiyaahi uu si hufan oo hagaagsan uu waajibkiisa u gutay waa ka dib dowladdii dhexe e’.

– Shaqo abuurid la’aan dhanka dhalinyarada ah taasna aan lagu joogin e’ haddana tira yareyd ee u bareertay in ay howl maalmeed abuurtaan laga hor istaagaayo lana dhibaateenayo.

-Amni darro tii ugu darneed ka dib dowladdii ku meel gaarka aheyd ama 10kii sanno aynu ka soo gudubnay.

– Ficil aan birmad la jirin.

Si walbaahi, askarigu waa midka gacana cadawka kaga difaaca shacabka gacanta kalana ku caawiya hadba kan mudan caawinaada.

Haddaba, Badbaadinta shacabka iyo iska jeedinta dhalinyarada iyadoo howlo ay ku mashquulan loo abuuraayo faa’idana igu jirta iyaga waxa ay badbaado u tahay maamul kasta oo doonaaya in uu si caafimaad qabto u guto waajibaadkiisa loo igmaday sidoo kalana raba in muddo xileedkiisa si aan gaabis laheyn u dhameysto waa kolka aan dib u milicsano e’ taariikhda tagtay sidaa si la mid ahna xiiseeneynana in aan wax uun

ku qaadano wacdarahii aduunka e’.

 

 

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.