Maamulka Puntland oo ku guuldareestay ilaalinta sharafta Gabdhaha ku nool deegaanada maamulkaasi

Shirar kala duwan oo loo looga hadlayay amniga iyo arrimaha Kufsiga ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, kuwaa oo wax natiijo ah aysan ka soobixin iyadoona kufsiga caadi ka sii noqonaya deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Dani iyo ku xigeenka Axmed Cilmi Karaash markii la doortay waxey wacad ku mareen in kufsi danbe uu ka dhici doonin deegaanada Puntaland sidoo kalena  ay ka hor tagi doonaan.

Sanadkan kaliya ku dhawaad 8 gabdhood oo isugu jira gabdho yar yar iyo haween da’da dhexe ah ayaa lagu kufsaday deegaanada Puntland wali majirto shaqsiyaad cadaaladda la horkeenay oo kufsiga geesta.

Hooyooyinka iyo Gabdhaha maamulka Puntland ayaa xaalad quus ah taagan iygoo ka walaacsan mustaqbalkooda iyo ku ciyaarista sharaftooda si kabaxsan Bini’aadanimada.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.