Maxaa ka hortaagan Soomaaliya iney yeelato ciidan Qaran oo awood leh?

Maalmahaan waxaan akhrinaayay qoraalladii laga diyaariyay waxyaabaha keenay fashilka dhismaha ciidan qaran oo iskudhafan. Ka soo bilow 2008 ilaa 2019, waxaa jiray iskuddayo xoog badan oo beesha caalamka ku doonaysay in lagu dhiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kala ah: In masuulliyadda amniga dalka ay kalawareegaan ciidanka AMISOM iyo in ay ka hortagaan Al-shabaab.

Nasiibxumo, labadaas hadaf weli lama gaarin, iskaba dhaaf in la xoojiyo hay’adaha qaabilsan amniga iyo difaaca dalka.

Maqaalkan waxaan diiradda ku saari doonaa caqabadaha hortaagan in la helo ciidan qaran oo iskudhafan. Waxaan ku doodayaa in caqabadda ugu weyn ay ka imaanayso dhanka siyaasadda. Waxaa jirta caqabad kale oo iyadana la isla wada arkay, waa waxa indheergaradka dersa arrimahan ku sheegay caqabad hawlgalinneed (operational challenge)-waa marka ciidan qaran ku sugan yahay laba xaallad oo kala ah: Mid dagaal iyo mid dibu-dhis (Fighting vs Re-building).

CAQABADO SIYAASI AH

In la dhiso ciidan qaran oo iskudhafan, kaas oo leh astaan qaran, lagu wada kalsoon yahay, awoodna u leh in uu dowr muhiim ah ka ciyaaro nabadaynta dalka waxaa diiday, si kale u dheh, suurtaggalin waayay siyaasadda qabiilaysan. Sanadkii 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe dalku wuxuu galay xaallad colaad, taas oo u dhexeysay qaar ka mida qabiilada Soomaalida. Waxaa ka dhashay in siyaasaddii qaranka la isku aamini waayay, kala shaki, cabsi iyo loollan siyaasi ah oo u dhexeeyay qabiilada iyo siyaasiyiinta. Siyaasaddaas fowdada iyo is-aamindarrada ku dhisan waa mid samaysankeedu dib ugu laabanaya xilligii dowlad la’aanta, laftirkeeda waxay qayb ka tahay waxyaabaha is-horistaagay dhismaha ciidan qaran. Sida uu qabo Dr. Paul D. Williams, wuxuu yiri waxyaabaha laga dhaxlay burburkii dowladnimada Somalia sida siyaaasadda qabiilaysan waxay caqabad ku noqdeen in dib loo dhiso ciidan wada meteli kara qaranka oo dhan. Waan xoojinayaa doodda Dr. Paul, maxaayeelay ka soo bilow dowladdii rayidka ee musuqa badnayd, siyaasadda Somalia xor kama noqon qabiilaysiga-yacni awoodda/xukunka dalka in loogu adeego ama lagu ilaaliyo maslaxad qabiil ama jufo (Identity Politics). Sidee ayay ku suurtaggalaysaa siyaasiyiin dhab ahaan metela reerahooda (qabiilada), kaba sii daran aan isku aamin qabin, ka dhexeeyo xiriir cadowtooyo (siege mentality), dibu-heshiisiin ka galin colaadahii la soo maray in ay wada dhisaan ciidan qaran oo iskudhafan oo laguwadajiro? Waa suuragal, laakiin waxaa lagamamaarmaan noqonaysa in marka hore lagu wada heshiiyo siyaasadda qaranka ka dib la isla wada raadiyo amni, nabadayn, ciidan qaran oo xoog leh iyo dowladnimo loo dhan yahay.

DOWRKA BEESHA CAALAMKA

Tobankii sano ee u dambeysay deeqbixiyaasha caalamiga waxay dalka ka wadeen taakulayn dhinacyo badan, haddaba maqaalkan wuxuu diiradda saarayaa keli dhanka dadaalladii kaga baxay dhismaha ciidanka qaranka Somalia. Sida ku cad maqaalka Dr. Paul D. Williams, toban sano ka dib lacag, dadaal iyo waqti badan oo beesha caalamka kaga baxday tayeenta ciidanka, qaybta keli ah ee maanta awood u leh in ay qaaddo hawlgal ka dhan ah Alshabaab waa DANAB. Nasiibxumo, ciidanka Danab waxaa gacanta ku haya shirkad ajnabi ah (Bancroft Global Development), kama mid aha ciidanka ay dowladdu maamusho. Mar haddii ciidankii Danab ka fiicnaadeen kuwii dowladda sow maangal ah in beesha caalamka gaar ahaan Maraykanku la yimaado aragti ah in ciidanka qaranka gaar aaan nabadsugidda iyo militariga lagu wareejiyo isla shirkadda maamusha ciidanka Danab?

Dowrka beesha caalamka waa mid bannaanka iska yaalla, waxay qayb ka yihiin mushahar bixinta ciidanka, tababarkooda, hubka iwm. Yaa AMISOM dalka ku haaya? waa beesha caalamka. Qayb ka mida waajibaadka saaran AMISOM waxaa ka mida in dowladda Somalia ay ka caawiso dibu-dhiska ciidan qaran oo iskudhafan. Dhanka tababarada, ilaa sanadkii 2008, xafiiska tababarada midowga yurub wuxuu tababar siiyay in ka badan shan boqol oo ciidan Soomaaliyeed ah, waxaa ku baxday ku dhowaad sagaashan milyan oo doollar. (ka eeg: eutm-Somalia.eu). Ugaandha, Imaaraadka iyo Itoobiya waxay ka mid yihiin dalalka Somalia u tababaray ciidan. Ingiriisku, wuxuu ciyaaray dowr muuqda, sanadkii 2015 ilaa 2017 wuxuu Somalia u soo diray toddobaatan askari si uu uga qaybnoqdo xoojinta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Turkigu, isagana wuxuu Somalia ka dhex furtay saldhig tababar ciidan, waxaa uga baxday ku dhowaad konton milyan oo doollar.

Beesha caalamka waxay kaloo dowr ka qaadatay tirokoobka ciidanka, iyaga oo la yimid aragtida ah in la diiwaangelsho ciidanka qaranka. Tirokoobku ma aha mid bilowday 2019, wuxuu dib ugu laabanayaa sanadkii 2009. Sidaas oo ay tahay, weli lama dhammayn, waxaa u sabab ah laba faktar: 1. Is-aamindarrada u dhexeysa Maamul Gobolleedyada darafyada fadhiya iyo Dowladda federaalka ee dhexda taagan. 2. Maqnaashaha ka go’naasho siyaasadeed (political will).

Iskusoowadduub, dowrka beesha caalamka waa mid mug weyn leh, laakiin marka ay timaaddo taakulaynta ciidanka qaranka waxaa inoo muuqday in aysan jirin hal waddo oo ay ku mideysan yihiin, una maraan. Dal walba habkiisa u goonida ah ayuu isticmaalaa, waxaa maqan iskudduwidda taakulaynta deeqbixiyaasha.

 

DOWRKA DOWLADDA FEDERAALKA

 

Xilligii dowladda Abdiqaasin, haba iska tabaryaraate dalka waxaa ka suuraggalay nidaam dowladeed. Dowladdii xilligaas jirtay waxay qoratay ciidamo u badan maleeshiyaad, wixii intaas ka dambeeyayna waxaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku socotay eedeyn. Waxaa lagu tuhmay in ay yihiin ciidan beelleedyo, sidaas darteed beesha caalamka waxay dalbatay in ciidanka qaranka lagu sameeyo qiimayn, taas oo fududeenaysa in is-beddel lagu samayn karo ciidanka qaranka iyo iskudheellitirkiisa. Halkan waxaa ka billaabanaya qiimaynta dowrka dowlad walba ay ku lahayd soo qiimayntii iyo tirokoobka ciidanka qaranka Somalia iyo wadashaqaynteeda beesha caalamka; ka soo bilow Shariif ilaa Farmaajo.

 

Dowladdii Sh. Shariif, iyadaa bilowday baaska hore; Xassan Sheikh na wuxuu ku dadaalay in uu dhammaystiro balse ma dhicin oo wuxuu u sii dhigay Farmaajo. Isagaana hadda haysta baaska, waxaa u dhiman laba sano. Talow ma dhalin doonaa? Yacni suurtaggalnimada in dowladdiisu noqoto 27 sano ka dib tii ugu horreysay ee ku guulaysatay dhismaha ciidanka qaranka iskudhafka ee Somalia, iskana illow doorasho hal iyo cod ah.

 

Sanadkii 2009, dowladdii Shariif ka waxay samaysay qiimayntii ugu horreysay oo lagu sameeyay ciidanka qaranka. Waxaa soo baxday in aan suuraggalayn in wax laga beddelo laanta amaanka (security sector reform), iyada oo aan la fadhiisin siyaasadda dalka. Haddii aan sidaas la yeellina, dadaalladii laga sameeyay is-beddelka ciidanka qaranka iyo laanta amniga wuxuu noqon doonaa hal bacaad lagu lisay. Bishii May 2011, haddana dowladdii Shariif waxay samaysay qiimayn labaad. Waxaa markaan soo ifbaxay musuq, eex iyo diiwaan la’aanta ciidanka. Waxaa loo baahday in la diiwaangeliyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isla markaana la tirokoobo. Ballanku wuxuu ahaa in tirokoobka la dhammeeyo isla sanadka bisha August. Balse ilaa iyo hadda lama dhammayn, weli waa qabyo.

Dowladdii Hassan Sheikh waxaa soo maray fursad diblomaasi ah, markii ay aqoonsi heer caalami ah ka heshay Maraykanka iyo qaar ka mida dalalka Yurub. Haddaba, su’aasha isweyddiinta mudan waa miyuu kaga faa’ideystay dhanka amniga iyo dhismaha ciidanka qaranka? Haaf haa, haafna maya. Dowladdiisa waxay dejisay qorshaha amniga qaranka iyo istaraatiijiyadda qaran ee lagu la dagaalamaya fekerka argagaxisonnimada. Wuxuu kaloo la yimid qorshahii guulwade (Victory plan), balse waxaa loo waayay taageero beesha caalamka ah. Ku dar qorshahii loo diyaariyay ciidanka booliska ee la magacbaxay Heegan (Readiness plan). Dowladdii Hassan Sh, iyadana waxay ku fashilan tay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iskudhafka ah, diiwaangelin iyo tirokoob.

Bishii February 2017, waxaa dhalatay dowlad halhays u ah Nabad iyo Nolol. Qorshaha waa iskummid, waa in iyadana halkeeda ka sii waddo dhammaystirka hawlahii qabyada. Beesha caalamka waxay ka qabtay rejo weyn, oo ku aadddan in uu dhab noqonayo qorshahii ahaa in AMISOM dalka kaga baxdo (transitional plan), amniga na ku wareejiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Ma dhaboobin!, waxaan u sababeeyay labadii arrimood ee aan kor ku soo xusay. Bishii May 2017, waxaa London ka dhacay shir muhiim ah, waxaa ka soo baxay heshiis dhanka amniga ah. Waxaa kaloo laga wadahadlay dhismaha ciidanka qaranka gaar ahaan tirada laga rabo, inta ay ka koobnaan karaan iyo waxa loo qoondayn karo. Waxyaabaha laga hadlay kuma jirin ciidanka badda, sirdoonka iyo garsoorka, taas laftirkeeda ayaa iil noqonaysa. Dowladda Farmaajo waxay ku dadaalaysaa diiwaangelinta ciidanka iyo dhammaystirka tirokoobka, haddii ay ku guulaysato waa iskoor weyn. Laakiin waxaa ka horreeya in uu jiro is-faham iyo wadashaqayn dhexmara Maamul Gobolleedyada iyo Dowladda FS. Haddii aysan dhicin waa fashil kale!

GUNAANAD

Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan dhismaha ciidan qaran oo iskudhafan. Sida Dr. Paul D Williams uu xusay, waxaa jira saddex caqabadood; mid waa siyaasad, midna waa hawlgallinta ciidanka, kan ugu dambeeyana waa wixii la soo maray. Waxaan sii xoojiyay caqabadda siyaasiga ah. Waxaan ku dooday, in iyadu biyodhac u tahay caqabad kasta oo ku hareereysan dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Waxaan dabadhigay, is-aamindarrada, kalashakiga u dhexeeya siyaasiyiinta, beelaha kursiga ku loollama iyo in ay jirtay iskudduwid la’aanta taakulaynta deeqbixiyaasha. Beesha caalamka laftirkeeda waxay wax ku waddaa ha yaacdo, laakiin dowladda ayaa laga rabaa in ay la timaaddo hal waddo ay wada raaci karaan dhammaan deeqbixiyaasha. Sidaas ayaa u fiican intii ay keli keli ula macaamili lahayd. Musuqmaasuqa sharcikudheelnimada ah, ee ka dhex jira hay’adaha dowladdda gaar ahaan ciidanka, fulinta iyo garsoorka waxay qayb ka yihiin caqabadda siyaasiga ee hortaagan in la dhiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Xassan  Mudane, Falanqeeya Arrimaha Afrika.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.