Puntland oo mamnuucday ka ganacsiga hubka iyo agabka ciidanka

Wasaaradda amniga iyo DDR-Ta Puntland ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga Hubka iyo agabka ciidanka ee laga soo dajiyo garoomada diyaaradaha.

Digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa lagu sheegay in aan lala soo dagi karin hubka iyo agab ciidanka iyadoo fulinta amarkan loo xilsaaray masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka iyo taliyaasha ciidamada.

Digreetada ayaa sidoo kale lagu sheegay in si loo sugo amniga dadka iyo dalka ay muhiim tahay mamnuucista soo dajinta,dhoofinta iyo ganacsiga hubka iyo agabka ciidanka.

Amarkan ayaa kusoo aadaya xili horey uu madaxweynaha Puntland digreeto ku mamnuucay in hubka lala galo garoomada diyaaradaha iyadoo sidoo kale ay wasaaradda amniga Puntland isla maanta soo saartay digreeto lagu amba qaadayo fulinta amarkii hore uga soo baxay madaxweynaha.

www.Somalitopnews.com

 

Mogadishu-Somalia   

 

 Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.