War-Saxafadeed: Hirshabelle oo eedeyn kulul u jeedisay dowladda Federalka

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu qaadacay Shir looga hadlayey howlaha gargaarka iyo dar dar galintooda kaas oo ay  soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya laguna qabtay Magalada Muqdisho.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galay dhamaan Wasaaradaha/hey’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed,hayeeshee Maamulka Hir-Shabeelle uu qaaday qodobadii kasoo baxay shirkaas.

War-Saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu eedeeyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta iyo Musiibooyinka Soomaaliya, iyada oo lagu sheegay in Wasaaradda ay deegaanada qaar ee Hir-Shabeelle ay uga eexatay Maamul goboleedyada kale.

Sidoo kale Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ugu baaqay deeq bixiyeyaasha Caalamka iyo Hay’adaha in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha arrintaan inay mas’uul ka yihiin.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada hir-Shabeelle.

 

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.