Xaad “Amnigu Malahan Muxaafid iyo Mucaarad”

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo u warramayay warbaahinta ayaa dalbaday in aan la siyaasadeyn amniga iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Nabadoonku in amniga uusan laheyn Muxaafid iyo Mucaarad, balse ay masuuliyad ka saaran tahay cid weliba.

Sidoo kale Nabadoon Xaad ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu gacan siiyo sugida amniga iyo xasiloonida dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayay, xilli  DFS ay ku guuldareestay amniga magaalada Muqdisho iyo ka xureynta AL shabaab deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana uu tilmaamay in dadka daga Gobalka Banaadir ay isku tashan doonaan hadii sidan ku sii socoto xaaladda.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tilmaamay iney tahay mid gabi ahaanba ka gaabis shaqooyinka danta guud sida amniga oo ay iska indha-tirtay, wuxuuna Farmaajo ka dalbaday in si deg deg ah uu ku sameeyo isbadal muuqdo.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.