Ciidamada Sirdoonka oo gacanta ku dhigay Rag Shabaab ah oo dil geestay

Ciidamada sirdoonka iyo kuwa Nabad Sugida dawlad Goboleedka Jubbaland ee Degmada Beladxaawo ayaa gacanta kusoo dhigay ragaan oo ku eedaysan inay ka danbeeyeen fal dil ah oo saaka ka dhacay degmada Belad- Xaawo.

Labadan nin ayaa ku hubeysnaa Boostoolada sidoo kale waxey gacanta ku hayeen liiska dad badan oo lagu amray iney dilaan.

Ciidamada oo xogo kala duwan ka helay shacabka ayaa ku guuleystay iney in Raggan ay daba galaan islamarakana ay gacanta ku dhigaan.

Maamulka Jubbaland ayaa inta badan ku guuleystay iney nabad ka dhigaan deegaanada maamulkaasi, waxaa xusid mudan in wax fal dambiyeed ah uusan ka dhicin inta badan magaalada Kismaayo, walow Axmad Madoobe uu xiriir la leeyahay Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.