Howlgallo Military oo ka socda Gobalka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Ken ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan halkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay uga wadaan deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ilo dadka deegaanka ahaa Shabelle u sheegay in ay arkayeen Ciidamada fara badan oo u ruqaansaday deegaano dhaca dhanka xadka labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama deegaandasi ay fariisimo ku leeyihiin Al Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii saraakiisha Jubbaland ay shaaciyeen in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo looga saarayo gobollada Jubbooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.