Madaxweynaha Somaliland oo  daah furay horumarin DP World ku sameyneyso Dekadda Berbera

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray saddex wiish oo cusub looguna talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

Wiishashka cusub ee loo keenay dekedda Berbera ayaa Xaddiga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xarigga looga jaray waxa Madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Aadan Xaaji Cali, Maareeyaha dekedaha, Siciid Xasan Cabdulaahi, iyo Madaxda shirkadda DP World.

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna ayaa Sheegay in ay ka shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo horumarinteedaba.

Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa ka hadlay horumarada iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya.

“Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.

Dhanka kale Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M waxana soo indha indheeyay shaqooyinka kala duwan ee dekeddaas lagu dhisayo.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.