Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin hubeysan oo weerar fuliyay

Xalay ayaa Nin hubeysan waxaa uu weerar bambaano ku qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin meel u dhow Saldhigga degmada Warta-Nabada, isaga oo intaasi  kadib galay guri ay deganaayeeen dad Shacab ah.

Ciidamada Ammaanka ayaa intaasi kadib hareereeyeen guriga uu Ninkaasi galay,waxaana mudo saacado ah ay isweeydaarsanayeen rasaas, sida ay sheegeen dad degan agagaarka guriga uu Ninkaasi galay.

Mas’uuliyiin dhinaca Ammaanka ah iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka Bambada ku weeraray Fariisnka Ciidan,isla markaana galay Guri ku yaalla inta u dhaxeysa Furayaasha iyo Isgoyska Cali Kamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku rideen Ciidamada Dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan cumar Cismaan Yariisow ayaa uga mahad celiyey Shacbaka degmada Wartanabada sida ay ula Shaqeeyeen Ciidamada Ammaanka oo uu sheegay inay ku soo wargeliyeen Ninkaasi markii uu galay Guriga ay degan yihiin dadka Shacabka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.