Ciidamadii AMISOM ee Ilaalinayay xarumaha ugu muhiimsan ee dalka oo baxay

Ciidamo ka socday Dalka Uganda ayaa isaga baxay Muqdisho,kuwaas oo dhameystay shaqadooda halka sano ahayd ee ay ka hayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxaa ay mas’uul ka ahaayeen Xarumaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada,Baarlamaanka, Dekadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale oo ka mid ah Muqdisho.

Saraakiil ka socda Howlgalka AMISOM ayaa munaasibad sagootin ah ugu sameeyay Magaalada Muqdisho,waxaana la guddoonsiiyay billado sharaf ay ku muteysteen howsha ay ka hayeen Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee dalka ka baxay ayaa sidoo kale ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose sida, Balli-doogle, Afgooye, Laanta Buuro, Arbacow, iyo Carbiska.

Waxaa lagu soo beddelay Guuto kale oo la wareegtay dhamaan howlihii Ciidamada ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo laftooda todobaadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha CiidankaUganda ee Soomaaliya Michael Kabango, ayaa aad u bogaadiyay Ciidamadaas oo uu sheegay in ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya si wanaagsanna u guteen shaqadooda.

Taliyaha Guutada ka baxday Soomaaliya Col. Jackson Kayanja ayaa sheegay in Guulaha guutadiisa ay gaartay ay ka mid tahay qabsashada Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha hoose, sidoo kalena ay ka hortageen Qaraxweyn oo ay Al-shabaab ku diyaariyeen degaankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.