Deg Deg: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka-AlMukarama iyadoo uu yahay qaraxii Labaad ee islamaanta ka dhaca Wadadada Makka Al-Mukarama.

Waxaa cirka isku shareeray qiica qaraxa oo laga arki karay xaafado fog fog, waxaana uu ka dhacay maqaayad u dhaw Saldhigga Dagmada Waaberi.

Dad badan ayaa isweydiinaya sida uu qarax ku dhici karo iyadoo magaalada ay kala xireen ciidamada amniga sidoo kalena ay taagan yihiin Isgoysyada Muqdisho.

Waxaa jira  khasaaro  dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa balse ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.