Faah-faahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ahaa gaari laga  soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaas oo la dhigay kasoo horjeedka Hotelka Mubaarak oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee Wadada Maka Almukarama.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Darawalka Gaariga goobta dhigay uu baxsaday, kadib markii ay u yeereen ciidamada ilaalada ka ah hotelka Mubaarak intaasi kadibna uu gaariga qarxay

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uusan geysan khasaaro nafeed marka laga reebo burbur uu u geystay gawaari kale oo goobta yaallay, kuwaas oo dab qabsaday markii uu qaraxa dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo mudo daqiiqado ah hakiyey isku-socodka Dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay ciidamadu dib u fureen.

Majirto goob si toos ah qaraxaasi loola beegsaday,waxaana qaraxaan uu qeyb ka yahay qaraxyada inta badan ka dhaca degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,kuwaas oo ay ku waxyeeboobaan badi dad Shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.