Ilhan Cumar oo u tafaxeedatay sidii dib loogu dooran lahaa markale

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa billowday Ururinta lacagaha ay ku galeyso dib u doorashadeeda sanadka 2020ka.

Dhamaan Xildhibaannada Mareykanka ee ku jira Aqalka hoose iyo midka Odayaasha ayaa billaabay ururinta lacagaha ay ugu qeyb qaadanayaan dib u doorashadooda marka la gaaro sanadka soo socda ee 2020.

Ilhaan ayaa waxaa ay hadda mareysaa lacag gaareysa $830,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana lacagahaas iska ururiyay taageerayaasheeda Gobolka laga doorto.

Ilhaan Cumar waxaa ay kaalinta 2aad uga jirtaa Xildhibaannada ilaa hadda xareystay lacagaha ugu badan,waxaana kaalinta 1aad ku jira Xildhibaan Tina Smith.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.