Waa kuma Cabdullahi Dool oo raali gelin ka dalbaday dowladda Federalka Soomaaliya?

Abdulaahi dhool oo dhawaan shaqada wasaarada arimaha dibada looga ruqseeyey kadib markii uu taageeray in Somalia xiriir diblomaasiyadeed layeelato maamulka Israel ayaa hadda codsanaya raalli galin .

Wuxuu sheegay inuu hanjabaad dil ah kala kulmayo dadka ladhacsan aragtida xorriyada falastiin dalkana uusan dib ugu soo laaban karin cabsi darteed uuna jecelyahay dalkiisa , wuxuu intaas raaciyey inuu umadax banaanyahay aragtidiisa gaarka ah.

Cabdullahi Dool ayaa u sheegay wargeyska  Time of Israel in Yahuuda saameyn ku leedahay Addunka, gaar ahaan gobalka Geeska Africa.

Waa Dibloomaasi Somaaliyeed oo  ku dhashay magaalada Baladwayn ee Gobalka Hiiraan sanadii 1960kii oo muddo ku soo jiray xiriirka caalamiga isagoo ka soo shaqeeyey safaaradaha Soomaaliya ku lahyd wadamada Britain iyo Kuwait ka hor burburkii Soomaaliya.

Goor dhaw halkan kala soco warbixin dhameystiran oo ku saabsan shaqada Dibloomaasinmo oo Soomaaliya uu ka hayay muddo kabadan 40 sano.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.