Dab xoog leh oo ka kacay Bakhaarka hubka lagu keydiyo ee Galmudug

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro geystay oo Maanta ka kacay Bakhaar lagu keydiyo hubka oo ay leeyihiin ciidamada Galmudug kaas oo ku yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

Deegaanka Docol ayaa qiyaastii 40km u jira Magalada Gaalkacyo,waxaana deminta dambkaas oo ka bilaawday koronto ku guuleystay Maamulka deegaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaankaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dabka uu ka dhashay koronto,isla markaana qeyeb ka mid ah Bakhaarka uu sameeyey,sidoo kalen ay qarxeen qaar ka mid ah hubka ku jiray Bakhaarka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan dabka`ka kacay Bakhaarka agu keydiyo hubka Ciidamada Galmudug eek u yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug.

 

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.