Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaa oo ku wajahan dalka Masar.

Ilo ka tirsan waaxda Warfaafinta Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay safarka uu Madaxweynaha ku tagayo dalkaasi.

Xubno ka mid ah golayaasha dowladda ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ku wehlinayaan socdaalkaasi.

Lama shaacin u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Qaahira.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga sii horreeyay Masar, kaas oo kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaasi.

Masar ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, iyadoona ka taageerto dhinacyo dhowr ah.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *