Madaxweynaha Koofur Galbeed oo wakiilka hay’adda TIKA kala hadlay fulinta mashaariic horumarineed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa xaley kulan la qaatey Wakiilka Hay”ada TIKA ee wakiil ka ah Dowlada aan walaalanahay Turkiga

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galey Wasiirada Qorsheynta, Waxbarashada Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadlay sidii Hay’adda Tika mashaaric kala duwan ugu fulin laheyd deegaanada Koofur Galbeed  sida waxbarsahada,Caafimaadka Iyo dib u dhiska Deegaanada Maamulkaas  si ay uga qeyb qaataan Horumarka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u Mahad celiyey Madaxda Hay’adda Tika sida Mar waliba ay u garab taaginyihiin Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia. 

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.