Saraakiil Shabaab ah oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayana in Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Baardheere.

Taliska Ciidanka Nabad suggida  maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in labo Sarkaal oo Sare ay isku soo dhiibeen Ciidanka Jubbaland.

“Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Taliska NISA ee Jubbaland.

Ciidanka maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen in isasoo dhiibidda raggaan ay timid ka dib markii la xoojiyay howlgallada ka socda degmada Baardheere iyo degaanada hoos yimaada.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia. 

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *