Wasiiradda Caafimaadka Fowsiyo Abiikar oo Musuq iyo Afaaro qabiil baahsan ka dhex wada wasaaradda

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa lagu eedeeyay in uu Musuq Maasuq xoog leh ay kawada Wasaaradda waxaana qayla dhaan xoog leh muujinaya dhalinayaro muddo kabadan 2 sano ka shaqaynaya  wasaaradda iyo xarumaha caafimaad ee dowladda la wareegtay.

Qaar kamid ah dhalinyaradaan oo ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ayaa Somalitopnews la soo xiriiray waxeyna sheegeen in Wasiirada dad badan oo qaraabadeeda ah  ay ka shaqaalaysiiyay hey’adaha kala duwan oo hoos imaada wasaaradda caafimaadka, Isbitaalo dhawaan ay la wareegtay dowladda sida Isbitaal Bnaaadir  iyadoo geeysay dad kabadan 40 qof oo ah dhalinyaro qaraabadeeda ah.

Wasiirad Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa  musuq badan ku heyso shaqada wasaaradda Caafimaadka, waxeyna howlo kala duwan oo muhiim ah ku wareejisay dad badan oo ka yimid gobaladda dalka iyo qurbaha kuwaa oo isku qabiil ay yihiin.

Waxaa kaloo xusid mudan in wasiirada aysan wax shaqo ah u qaban umadda Soomaaliyeed tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2019, waxaa kaloo jirta in ay gobolkeeda u wareejisay deeq dawo caafimaad ah oo Saddex bil kasta la gaarsiin jiray dadka Barakacayasha ah ee ku nool Muqdisho iyo gobolada dalka, xitaa waxey macaash ka raadisay Nafaqada caruurta oo hadda ay ka gadato ganacsatada.

Wadarta dadka qaraabadeeda ah ay shaqaaleysiisay bilooyinkii la soo dhaafay ayaa ah 40 qof oo dhamaantood ka soo jeedo hal beel oo qoyskiisa ah. Qaar kamid ah dhalinyarada la shaqaalaysiiya ayaa laga keenay degaano ay ku badan yihiin beesha wasiirka.

Wasiiradda ayaa sidoo kale musuqday Boqolaal Ton oo daawo ah oo katimid hay’adda WHO iyo dowladda Turkiga oo loogu talagalay dadka Barakacayasha ah ee ku nool Muqdisho in la gaarsiiyo iyadoo suuqyada Muqdisho ku iibisay daawooyinkaasi oo qandaraas ay kula jirto ganacsato Daawooley ah.

Dhalinyaro ka badan Sodomeeyo kale ayaa ku sugan wasaaradda Caafimaadka kuwaas oo aan qaadan wax lacag balse rajo ka qaba in ay helaan GUNNO ama la shaqaalaysiiyo laakiin waxay walaac ka qabaan dhalinyarada kale ee ka imaanaya Gobalada kuwaas oo si toos ah u shaqa gala lana siiyo mushaar fiican.

Dhallinyaradan ayaa sheegay inay caddaalad darro tan ugu weyn tahay in ayaga oo muddo lacag la’aan ku shaqeynayey, una sabrayey dowladda, lagu dul keeno dad kale oo aan aqoon u laheyn howlaha caafimaadka.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia. 

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.