Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Miinooyin ay aaseen Al shabaab

War kasoo baxay taliska Nabadsugidda Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada  ka sameeyeen Degmada Baardheere ay kusoo saareen Miinooyin ay Al shabaab aaseen..

Al-Shabaab ayay ku eedeeyeen in ay miinadaas geliyeen, isla markaana waxa ay nabadsugidda sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii geliyay.

Sidoo kale qoraalka Nabadsugidda ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku qarxiyaan dad shacab ah sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgalka ayay tilmaameen in uu ahaa mid qorsheysan, iyaga oo ku duulayay xog ay heleen sida lagu yiri qoraalka.

Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Kabtan Axmed Garab gooye ayaa sheegay in Ciidamada ay sii wadi doonaan baarista dadkii dhigay Miinada.

Degmada Baardheere waxaa saddex cishe kahor iska dhiibay Aadan Cabdi Maxamed oo ku magac dheer Aadan Coobbe oo katirsanaa Al-Shabaab, waxaa isla maalintaas loosoo qaaday Magaalada Muqdisho.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.