Ilhan Cumar oo sheegtay iney wax ka qabaneyso duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka hoose ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan iyaga oo koox Xildhibaanno ah xeer wax kaga qabanayaan duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka uu ka geysto Soomaaliya.

Ilhaan oo xalay la hadashay jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka laga soo doortay ayaa sheegtay in xeerkaasi uu markiisii hore sameeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama, kaas oo fasaxay adeegsiga diyaaradaha.

Xeerkan cusub ee ay wadaan ayey ku sheegtay in ay wax uga qabanayaan adeegsiga diyaaradahaas oo duqeyntooda ay ku dhintaan dad rayid ah.

Waxaa ay sheegtay in markii uu Obama qaadanayay go’aankaas ujeedada kaliya ahayd wax ka qabashada Alshabaab hayeeshee uu sababay dhimashada dad badan oo rayid ah.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.