Shir Caalami ah oo Berri ka furamaya magaalada Muqdisho

Ergooyin ka kala socda Dowladaha xubnaha ka ah Ururkaasi ayaa la filayaa inuu berrito Shirweyne uga furmo magaalladda Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo muhiim ah.

Inkastoo aan la shaacinin Heerka Madaxda ka qeyb geli doonta Kulankaasi, haddana waxay Ergooyinka ka wada xaajoon doonaan Ajendayaasha kala ah:  Amniga Fekerka iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Xag-jirayaasha.

Qabsoomida Shirka OIC ee berrito ka furmi doona magaalladda Muqdisho waxa lagu go’aamiyey Shirkii Heerka Wasiir ee Kooxda Ururkaasi ugu qaabilsan Somalia ay ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii October 27-dii ee sannadkii hore.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socda 15 Waddan oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo uu ka mid ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururkaasi, Hishaam Bin Yuusuf.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo la asaasay sannadkii 1969-kii, waxaa xubno ka ah 57 Dowlood oo Islaam ah, iyado oay Xarunta Dhexe ee Ururka ku taallo magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.       

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.