Wasiir Cawad” “marna xubin kama noqoneyno Isbaheysi ka soo horjeedak Qatar iyo Turkiga”

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marna xubin ka noqoneyn Isbaheysi ka horjeeda dalalka Qadar iyo Turkiga.

Wasiir Cawad oo ka qeybgalayay Siminaar lagu qabtay Mac-hadka Diblomaasiyadda ee hoostaga Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in waddamada ku midoobey isbaheysiyada Badda Cas, Badda Carbeed iyo Gacanka Caqaba, ay isku dayayaan in ay Soomaaliya ka saaraan Isbaheysiga Badda cas.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aanno ad adag ka qaadatay khilaafkii Waddamada Khaliijka islamarkaana ahaayeen go’aanno ku xirnaa madaxbanaanida Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale ka guuleysatay caqabad ka soo wajahday dhinaca Kenya oo la xiriirtay Muranka Badda islamarkaana la dejiyay xaaladda go’aankana loo daayay Maxkamadda ICJ.

Danjire Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Xeebaha ugu dheer Afrika marka laga reebo Madagascar,waxaa uu xusay in dalkiisu u baahanyahay maalgashi iyo dib u dhis,waxa ugu horreeyana ay ka midyihiin dayactirka 8 Dekadood.

Wasiirku waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in Soomaaliya iyo 44 Dal kale oo Afrikaan ah ay ka shaqeynayaan mashruuc lagu sameynayo suuqa Afrika oo looga hortagayo abaaraha dhallinyaradana loogu abuurayo shaqo.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.       

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.