Waa kuma wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Soomaaliya?

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu kaddib burburkii Soomaaliya kashaqeeyey dhinaca horumarinta iyo gargaarka, isaga oo si gaar ah uga shaqeeyey waxbarashada, waxa uu agaasime kanoqday urur Waxbarashada iyo Hormarinta kashaqeeya oo loo yaqaan CED kaas oo shaqooyin kaqabtay tacliinta iyo gargaarka.

Waxbarashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay Jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ah Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshaduhu waxa uu u tartamay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya sanadkii 2017, isaga oo katanaasulay tartanka isaga oo aan jeedin barnaamijkiisa siyaasadeed, sidaas oo kale waxa uu u tartamay xilka xildhibaan golaha shacabka ah bihii November-2016, isaga oo aan ku guuleysan kursigaas.

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *