Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulamo la qaadanaya madaxda dowlad goboleedyada dalka ka hor shirka

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah Magaalada Garoowe kula qaatay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wararku sheegayaan in uu taageero ka raadinaya labada Maamul Goboleed ee xilligan loo tiirinayo in ay u janjeeraan dhanka dowladda Federaalka, sidoo kalana uu qorsheyneyso in Gaashaanbuursi la tagto shirka Garowe.

Labada Maamul Goboleed ee Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Dowladu u ragtaa in ay isku garabyihiin maadama uu san u dhexeen wax khilaaf ah sida Maamulada kale ee ka jira dalka wararka ayaa intaa ku daraya in looga hadlayo sidii dowladda Federaalka iyo labadan maamul goboleed hal aragti oo mideysan ula tagi lahaayeen shirka ka furmaya Garowe.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa sidoo kale xalay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Garowe kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyagoo kawada hadlay argtida siyaasadeed oo ay ku kala duwan yihiin.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa horay dhaliilo ugu jeediyay Dowlada dhexe ee faderaalka Soomaaliya oo ay ugu dambay in ay horyimaadeen Sharciga doorashooyinka qaranka oo ay Khamiistii ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya

www.Somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.  

Somalitopnews@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.