Magdhowgii la siin jiray Ciidanka Kenya ee ku dhinta Somaliya oo hoos loo dhigay

Dowladda Kenya ayaa hoos u dhigtay Miisaaniyadda Ciidankeeda jooga Soomaaliya kaddib markii Ururka Midowga Yurub uu dhimay qiimaha lacageed ee magdhow ahaan loo siin jiray Askarta Kenya ee ku dhinta dagaalka AL-shabaab.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in wasaaradda Maaliyadda Kenya ay dhintay miisaaniyadda Ciidamada dowladda taas oo laga fahmi karo in Kenya ay billaabeyso la bixidda Ciidankeeda jooga Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub ayaa hoor u dhigay 41.17% Magdhowga la siin jiray Ciidanka Kenya shantii sano ee la soo dhaafay,waxaana hoos u dhigidda Magdhowgan uu billaabanayaa Bisha July ee soo socota.

Magdhowga ay Kenya ka heli jirtay Midowga Yurub ayaa hadda kaddib noqonaya Sh5 billion oo lacagta Kenya ah halka markii hore uu ka ahaa Sh8bilyan.

Sidoo kale sanad kaddib july 2020 waxaa magdhowga Ciidanka Kenya ee SOomaaliya uu gaari doonaa Sh3.5 billion oo shilinka Kenya ah sida ku cad qorshaha Midogwa Yurub ee maalgelinta AMISOM.

Kenya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari kuwaas oo 2011kii oggolaansho la’aan soo galay Soomaaliya, sanadkii 2012kiina ku biiray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.