Mareykanka oo iska indho tiraya shacabka uu ku xasuuqo Soomaaliya iyo DF oo daawaneysa

Ibraahim Xasan oo ay wehliyaan laba kamida saaxiibadii iyaga oo dib ugu soo laabanaya Muqdisho 18-kii Maaj waxaa duqeeyay gaarigooda Mareykanka.

Marxuumka, oo waqti kusoo qaatay tuulada Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu usoo kormeero beerta reerkiisa ayaa la dilay isaga iyo qof kale.

Shaqsiga saddexaad oo baabuurka la socday ayaa ku dhintay Isbitaal markii loola soo cararay maadaama uu dhaawacmay.

Bayaan kasoo baxay milatariga Mareykanka ee Afrika waxaa lagu sheegay in raggaan ay u beegsadeen “in ay ku howlanaa u qorista dhalinyaro AlShabaab”.

Balse baaritaan uu sameeyay wargeyska Foreign Policy ayuu ku ogaaday in dadka la dilay aysan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab, si khalad ahna loo beegsaday.

Hadii la xaqiijiyo waxay kordhineysaa tirada shacabka ee uu milatariga Mareykanka ku dilay weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo dalka dhaca bariga Afrika.

“Walaalkeyga aan waxba galabsan waxa uu noqday dhibane duqeyn. Hadda nolosha ayaa la tacaaleynaa kadib geeridiisa,” ayuu yiri Axmed, walaalka Ibraahim.

Ibraahim oo ifka kaga tegay todoba caruur ayaa waxaa uu ahaa ganacsade, kaasi oo lahaa Tukaan iyo waliba xarun shidaalka lagu iibiyo.

Aniga waxaan ka codsan lahaa Mareykanka in uu baaro duqeyntas, walaalkey xiriir lama laha Al-Shabaab,” ayuu raaciyay.

Axmed oo la shaqeeya hay’add bini’aadanimo oo caalami ah, ayaa sheegay in labada qof kale ee la dilay ay deriskooda ahaayeen.

Maalin kadib duqeyntaas, taliska AFRICOM waxay shaaciyey in ay hubineyso sheegashooyinka ku aadan in ay rayid laysay.

Balse todoba isbuuc kadib, walaalka Ibraahim ayaa waxa uu tilmaamay in aysan jirin wakiil ka ah Mareykanka oo u timid si kiiska loo eego.

Jaraa’idka Foreign Policy oo intaasi kadib la xiriiray AFRICOM ayaa kasoo xigtay afhayeen John Manley: “Wali dib u eegista sheegashooyinka dhimashada shacabka ayaa ku socota.

Manley ayaa waydiiyay wargeyska goob ay kala xiriiraan qoyska dhibanaha ah, sidda ku cad warbixinta uu Joornaalkaan daabacay.

www.somalitopnews.com         

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.