Ciidamada dowladda oo fuliyay dilalkii Bishan Ramadan ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 3 qof ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho waxaana dhamaan dilalkaas geystay askarta dowladda Soomaaliya.

Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya Talaadadii waxaa uu degmada Dharkenley ku dilay Ardey lagu magacaabay Suldaan Ismaaciil Shuu,waxaa uu ka qaadanayay Taleefanka Gacanta sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ehelka wiilka la dilay.

Sidoo kale Degmada Hodon Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa shalay ku dilay C/Risaaq Yuusuf oo ahaa Bajaajle,waxaana dilkaasi ka dhacay isgoyska Tarabuunka.

Xalay waxaa Degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka dagaandegga Isgoyska Sayidka lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu magacaabayay Cabdullahi Maxamuud Xeyle.

Waxaa Askarigaas toogtay Askari kale oo ay murmeen,waxaana dilkii 3aad oo ka dhaca Muqdisho sida ay u billaabatay Bishan.

Kaliya Askariga Booliska ee degmada Hodon ku dilay wiilka Bajaajlaha ahaa ayey dowladda sheegtay in ay gacanta ku dhigtay inkasta oo Askarigaas dilka kaddib uu qoriga ku wareejiyay askarta kale iskuna dhiibay.

Dilalka ay geysanayaan Ciidamada dowladda ee ay kula kacayaan shacabka ama iyaga dhexdooda ayaa caadi ka ah Muqdisho,waxaana dhowr jeer Maxkamada Ciidamada dowladda ay xukumeen Askar dhibaato ku hayay dadka rayidka ah.

Waxaa la aaminsanyahay hadii dowladda dil toogasho ah ku fulin laheyd askarta dilalka geysata in sidan aysan dhicin, balse nasiib xumo dowladdan ma fuliso xukunada dilka ah.

Waxaa ugu dambeeyay Askari Maxkamadda Ciidanka ku xukuntay sideed sano oo Xabsi Ciidan ah markii Taleefanno qiimahoodu gaarayo $604 doollar uu ka qaatay dadka degmada Kaaraan iyagana ku dacweeyeen Saldhigga.

Waxaa ka dambeeyay oo gacanta lagu dhigay Oday iyo wiilkiisa oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo dadka ka qaadayay lacag baad ah,waxaana laga qabtay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

 

www.somalitopnews.com         

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.