Mareykanka oo Daacishtii ugu badneyd ee Soomaaliya ku dilay duqeyn uu ka fuliyay Puntland

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika, ayaa ka hadlay howlgal dhinaca cirka ah oo todobaadkan uu ka geystay qeybo kamid ah deegaanada maamulka Puntland.

War lagu daabacay Twitter-ka Africom, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka ah ay dhowr gantaal la dhaceen goobo ay isku uruursanayeen Daacish, halkaasna ay ku dileen 13 xubnood.

Agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika Heidi Berg, ayaa sheegay in meelaha ay duqeeyeen ay tahay goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah, sida uu yiri.

Weerarka oo Arbacadii ka dhacay deegaanka Cameeyra oo hoosta degmada Isku Shuban ee buuraleyda Golis gobolka Bari ayaa la sheegay ineysan jirin dad Shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, wuxuuna Mareykanka soo jeediyay in lala soo socodsiiyo hadii khasaare Shacab la helo.

Bishii hore ayay ahayd markii weerar dhanka cirka ah oo uu Mareykanka fuliyey isla gobolka Bari uu ku khaarijiyey hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Somaaliya iyo shaqsi kale oo gaariga la duqeeyay la saarnaa.

 

www.somalitopnews.com         

Mogadishu-Somalia

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.