Military Carbeed oo ku soo biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo soo gaabiyo ayaa shaaciyay in 15 Sarkaal oo Milatari ay u soo gaba gabeeyeen tababar kuwaas oo dhawaan imanaya Soomaaliya.

15ka Sarkaal ee Milatariga ah ayaa waxaa ay ka kala socdaan dalalka Ethiopia, Uganda, Kenya, Masar iyo Zambia.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha Milatariga ay qeyb ka noqonayaan sugidda Amniga Soomaaliya.

Mr Simon Mulongo, ayaa faray saraakiisha in ay Xarumaha waaweyn ee Saldhigyada AMISOM ka caawiyaan dajinta qorshayaasha kala guurka ah ee AMISOM, howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab iyo hubinta in howlahaas sidii loo qorsheeyay loo fuliyay.

Nakibus Lakara, oo isaguna ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Milatariga AMISOM ayaa sheegay in tababarkan uu saraakiisha u fududeynayo in ay ka qeyb qaataan dhameystirka qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ee sanadka 2018/2021.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.