Askarta ciidamada dowladda oo toogtay Shan kamid ah Ardayda Banaabaxeysa maanta

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwooda Booliska ayaa toogtay qaar kamid ah Ardyada maanta Dibadbaxa ka dhigeysay magaalada Muqdisho kuwaa oo ka cabanayay imtixaanka dowladda oo wasiirka waxbarashada Goodax Barre uu joojiyay.

Labo kamid ah Ardayda ayaa lagu dilay meel u dhaw xarunta dagmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana saddex kale oo gabdho ah lagu dhaawacay Jidka Maka Al-Mukarama.

Muuqaalka waxaa leh Abdiaziz Hassan Ibrahim.

Ardayda oo kumanaan ah ayaa si weyn kaga careysan go’aanka dowladda ku joojisay Imtixaanka Shaadiga oo saddex maalin ay galeen, waxaana u harsanaa labo maalin kaliya.

Ardayda ayaa dalbaneysa inuu iscasilo wasiirk Waxbarashada Goodax Barre maadama ilaalinta Imtixaanka uu ku fashilmay sidoo kalena lugooyay ardayda.

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in sababta loo joojiyay ay tahay imtixaanka oo faraha kabaxay iyo qishkiisa oo la helay, waxaana dib loo qaadi doonaa sida Goodax Barre sheegay 27 May ilaa 31 Bisha iyadoo hawada laga saarayo Internet-ka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.