Ciidamo abaabulan oo dhaq dhaqaaq ka wada gobolka Jubbada Hoose

Wararka saakay naga soo gaaraya deegaano duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee Xarun goboleedka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamada Dowladda kuwa Jubbaland iyo kuwa Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay saakay dhaq dhaqaaqyada uga wadaan deegaanka Cabdalla Biroole oo ku yaalla duleedka Kismaayo halkaasi oo shalay gelinkii dambe ay weerar kusoo qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku waramayaan in  Ciidamada Dowladda,kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Kenya oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo duleedka deegaanka Cabdalla Biroole,iyaga oo mararka qaar rasaas ridaya.

“Majirto dagaal ka socda deegaanka Cabdalla Biroole,balse saakay ciidamada ayaa dhaq dhaqaaq wada mararka qaar rasaas ayay ridayaan,anaga hadaan nahay dadka deegaanka cabsi ayaan dareemeynaa waayo waa hdibaato hadii dusheena lagu dagaalamo ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Deegaanka Cabdalla Biroole iyo deegaanada kale ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda,kuwa Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa waxaa mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.