Kenya iyo Jubbaland oo kawada xaajoonaya Darbiga Beledxaawo

Dowladda Kenya ayaa dooratay in Darbiga Beledxaawo iyo Mandheera ay kala hadasho maamulka Jubaland halkii ay kala xaajoon lahayd dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Saraakiil ka mid ah Milatariga Kenya ee aan ku jirin AMISOM ayaa waxaa ay kulan magaalada Ceelwaaq kula qaateen Odayaasha iyo saraakiisha Maamulka Jubaland si ay ugala hadlaan darbiga ay dumiyeen dadka reer Beledxaawo.

Arrintan ayaa loo arkaa in Kenya ay ku muujineyso saameynteeda dhinaca Maamulka Jubaland,waxaana jira tallaabooyin kale oo gurracan kuwaas oo ay Kenya qaadday inkasta oo dowladda Somaliya aysan wali bixin jawaab rasmi ah.

Kenya ayaa go’aansatay in ay toos ula xaajooto dowlad Goboleedyada,waxaa ay duullimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi u wareejisay Wajeer, Bishii February waxaa ay ceyrisay danjirihii Soomaaliya,waxaa ay marti gelisay shirkii mucaaridka ee ka dhacay Nairobi,kuwaas oo ay horay u diidday.

Waxa ugu badan ee dowladda Kenya ku kallifaya galaangalka intaas la eg ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay diidday in muranka badda ee u dhaxeeya labada dal lagu xalliyo meel aan maxkamadda ahayn.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.