Taliska Booliska oo sheegay in la xiray shaqsigii fashiliyay Imtixaanka dowladda

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta kusoo dhigeen nin ay ku sheegeen inuu yahay qofkii sida khiyaanada ahayd u bixiyaymacluumaadkii Imtixaanka dugsiga sare ee Soomaaliya.

Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ah taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in ay baaritaanno ku hayaan shakhsiga eedeysanaha ah ee lasoo qabtay.

“Waxaan rabaa inaan la wadaagno shacabka Soomaaliyeed, waalidiinta iyo ardaydii imtixaanaadka galeysayba in hoggaanka baarista dambiyada ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan Jamaaludiin Xasan Xirsi, oo 29 jir ah kana shaqeynayay wasaaradda waxbarashada, kaasoo lagu eedeynayo inuu bixiyay imtixaanaadkii loogu tala galay shahaadooyinka dugsiga sare. Baaritaankaasi waa bilow oo hadda wuu socdaa, wixii kasoo baxana waxaa loo gudbin doonaa maxkamadaha”.

Wuxuu taliyaha sheegay in cid walba oo arrintaas ku lug lahayd caddaaladda la hor geyn doono.

Imtixaankii dugsiyada sare oo qeyb kamid ah la galay ayaa hakad la galiyay kadib markii ay soo baxday in warqadihii maadooyinka qaar lagu dhex faafiyay ardayda, waxaana waxba kama jiraan laga soo qaaday qeybtii horay loo galay.

Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku hakisay imtixaanka ayaa horseeday mudaharaadyo ay ardayda sameeyeen, kuwaasoo uu ka dhashay khasaare.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.