Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galay dalka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden ugu qaybgalay shir looga hadlayay Nabadgelyada.

Madasha waxaa lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu sameeyay nabadgelyada, waxaana lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Ka jawaab celinta dhibaatooyinka, si nabadda loo dhiso, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Sanadkiiba mar ayaa shirkaan la qabtaa, waxaana ka qaybgalaayasha lagu soo hor badhigaa Cilmi baaris sanadeed.

Kulanka oo furmay shalay oo ku beegneed 14-ka May ayaa soconaya illaa 16-ka May oo Berri ku beegan, waxaana lagu wadaa in gaba-gabada laga soo saaro qodobo.

Xubnaha lagu casuumay shirka cilmi baarista nabadgelyada, ilaalinta iyo ka warcelinta ayaa isugu jiro Wasiirro, Wakiilo Caalmi ah iyo khubaro dhanka amniga ah, waxa ay dhammaantood falanqeynayaan nabad dhisidda, Deganaanshaha iyo horumarka.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.