Hay’adda UNICEF oo Soomaaliya u soo magacowday wakiil cusub

Hay’adda UNICEF ayaa wakiil cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana Magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka mid ah Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNICEF Soomaaliya.

Werner Schultink, ayaa kulan gaar ah Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya kula yeeshay wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.