Kooxdii afduubatay Dhakhaatiirtii magaalada Mandheera oo lacag madax furasho ah dalbaday

Koox looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab islamarkaana Bishii hore Mandheera ka afduubtay labo dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba ayaa waxaa ay dalbadeen Lacag madax furasho ah.

Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyay in Kooxda heysata dhaqaatiirta u dhashay Dalka Cuba ay dalbadeen $1.5Milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Kooxda afduubtay dhaqaatiirta ayaa dalabkan soo marsiiyay Odayaasha Mandheera oo ugu tagay Tuulo u dhaxeysa Bu’aale iyo Ceel Cadde oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubada dhexe.

Odayaal ka kala socda Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa ragga afduubka u heysta dhaqaatiirta kula kulmay tuulo ku taalla howdka u dhaxeeya labada Magaalo waxaana ay dalbadeen Hal Malyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah.

Maamulka Gobolka SOomaalida ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in dhaqaatiirta ay afduubteen Burcad caadi ah kaddibna u gacangeliyeen AL-shabaab.

Odayaashii loo diray wadaxaajoodka lagu soo deynayo raggaas ayaa soo qaaday dalabka kooxda afduubka heysata,waxaana ay hadda wadahadal kula jiraan dowladda Kenya.

Dhaqaatiirta u dhashay Cuba ee ka shaqeynayay Wajeer,Gaarisa,Tana River iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka SOomaalida ayaa lagu celiyay Nairobi kaddib afduubkii labada dhaqtar.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.