Safaaradda Qatar oo Ganjeelo iyo Dhagxaan shub ah ka dhaxdhiseysa Igoyska KM4 una dhaw Madaxtooyadii Cabdiqaasim

Wadada KM4 ka baxda ee aada Tarabuunka ayaa laga dhisayaa bartamaha Laamiga Ganjeelo Shub ah  iyadoo 7dii sano ee u dambeeyay aheyd mid xiran, tan iyo markii dhismo ku yaalla halkaas ay soo degtay safaaradda Turkiga.

Wadada oo halbowle u aheyd isusocdka magaalada Muqdisho oo Turkiga u xirneyd waxaa markii dambe ka guurtay Safaaradda Ankara oo xarun weyn oo cusub ka dhisatay Xeebta Liido, waxaase durbadiiba soo dagay Safaaradda Qatar.

Safaaradda Qatar ayaa muddo sanado ah dagan Isgoyskan oo u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim waxeyna xirtay dhamaan jidadka soo gala, hadana waxey ka sii dhiseysaa dhagxaan iyo ganjeelo shub ah oo difaac ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay iney ilaaliso bilicda magaalada Muqdisho iyadoo ay xusid mudan tahay ineysan waxba ka qaban hay’adaha iyo safaaradaha jidadka muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed iska xerta.

www.somalitopnews.com

Mogadishu-Somalia.com

Somalitopnews@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.